Nin Ganacsade ahaa oo tooreey lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay ka dhacay Waaxda Kurdamac ee degmada Deeyniile, gobolka Banaadir, halkaas oo lagu dilay nin ganacsade ahaa xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee goobtiisa ganacsi.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Fitaax Maxamed Maxamuud, kana caan baxay magaca “C/Fitaax Xuuti”, ayaa la sheegay in lagu weeraray tooreey, iyadoo dhowr meelood oo jirkiisa kamid ah dhaawacyo halis ah looga geystay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in marxuumku uu xiligaasi ku sugnaa afaafka hore ee maqaayad uu maamule ka ahaa, kuna taallay Waaxda Kurdamac ee degmada Deeyniile.
Goobjoogayaal ku sugnaa deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu dhacay si lama filaan ah, islamarkaana dadka deegaanka ay isku dayeen inay gurmad u fidiyaan marxuumka, balse uu u geeriyooday dhaawacyadii kasoo gaaray weerarkaasi.
Ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka degmada Deeyniile ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan ninka lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay falkaasi. Eedeysanaha ayaa la sheegay in loo gudbiyay saldhigga booliiska degmada Deeyniile, halkaasi oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan.
Laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sababta ka dambeysay dilka ganacsadaha, hase yeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in baaritaanka kiiska uu socdo, islamarkaana faah-faahin dheeraad ah dib laga soo gudbin doono.
Dilalkan loo adeegsado mindiyaha iyo falalka amni darrada ah ayaa mararka qaar ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo shacabka ay marar badan walaac ka muujiyeen xaaladaha amni ee ka jira qaar kamid ah degmooyinka caasimadda Muqdisho.









