LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo qaadeysa qorsho ka careysiin kara mucaaradka kadib doorashada Koonfur Galbeed

Warar hoose oo isa soo taraya ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka iyo hoggaanka siyaasadda dalka ay qorsheynayaan in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yeesho fadhi degdeg ah maalmaha soo socda, kaddib doorashada la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo iyo suuragalnimada in guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aaden Maxamed Nuur (Madoobe), loo doorto madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Qorshahan siyaasadeed ayaa si weyn u soo jiitay indhaha shacabka iyo daneeyayaasha siyaasadda, iyadoo la sheegayo in haddii Aaden Madoobe ku guuleysto hoggaanka Koonfur Galbeed, si degdeg ah loo guda geli doono doorashada guddoomiye cusub oo baarlamaanka hoggaamiya.

Ilo siyaasadeed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in muddo 30 maalmood gudahood ah la qorsheynayo in lagu qabto doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, arrintaa

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa qorshahan ku tilmaamay “isku day muddo kororsi dadban ah”, iyagoo ku doodaya in waqtigii sharciga ahaa ee baarlamaanka hadda jira uu dhammaaday 14-kii April 2026.

Mucaaradka ayaa aaminsan in furitaanka fadhi cusub iyo doorashada guddoomiye cusub ay abuuri karto sharciyad siyaasadeed oo muran badan dhalisa, maadaama aan weli la isku raacin jadwal cad oo ku saabsan doorashooyinka guud ee dalka.

Qaar kamid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in tallaabo kasta oo lagu sii shaqeysiinayo baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday ay horseedi karto khilaaf siyaasadeed oo cusub, xilli dalka uu horey uga jiray muran la xiriira nidaamka doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanshaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *