LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Nin Baraha Bulshada ku dhaliili jiray Hay’adaha Amniga Puntland oo la xiray

Waxaa xalay saqdii dhexe magaalada Garowe lagu xiray Maxamed Aarka oo ka mid ah dhalinyarada reer Puntland ee si weyn uga faallooda arrimaha siyaasadda iyo xaaladaha maamulka Puntland, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan eheladiisa.

Sida wararku sheegayaan, Maxamed Aarka waxaa lagu hayaa saldhigga bartamaha magaalada Garowe, iyadoo illaa hadda aysan jirin wax war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo lagu caddeynayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariggiisa.

Ehelada Maxamed ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay xireen xilli dambe oo habeenkii ah, isla markaana aan qoysku helin faahfaahin buuxda oo ku saabsan xaaladdiisa iyo eedaha loo haysto.

Xariggan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii u dambeeyay uu Maxamed Aarka qoraallo iyo falanqeynno siyaasadeed ku daabacayay bartiisa Facebook, kuwaas oo uu si gaar ah ugu dhaliilayay Taliyaha CID-da Puntland Mahad Cabdi Fallo. Qoraalladaas ayaa si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada, iyadoo ay dad badan ka dhiibteen aragtiyo kala duwan.

Ma aha markii ugu horreysay ee Maxamed Aarka lagu xiro magaalada Garowe. Ku dhowaad bil ka hor ayaa sidoo kale la xiray, balse waxaa markii dambe lagu sii daayay wadahadal dhexmaray eheladiisa iyo saraakiisha CID-da Puntland.

Ilaa hadda maamulka Puntland iyo taliska CID-da midkoodna kama uusan hadlin xarigga cusub ee loo geystay Maxamed Aarka, waxaana jira walaac ay muujinayaan qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada oo arrintan ku tilmaamay mid la xiriirta xorriyadda hadalka iyo aragtida siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *