LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo dacwad ka gudbinaya Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa maanta oo Isniin ah gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu ka furmo kulan xasaasi ah oo u dhexeeya qaar kamid ah wakiillada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa imaanaya xilli ay hakad galeen wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku mari waayay arrimo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka iyo sidii loo gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhinacyada kulmaya ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee shirka uu yahay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii fashilmay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi siyaasadeed oo horseeda heshiis doorasho oo ay isku raacsan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka ay wakiillada caalamiga ah u gudbin doonaan cabasho rasmi ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku eedeynaya inuu diidan yahay in la gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay ku doodayaan in dowladda federaalka ay qaadday tallaabooyin siyaasadeed oo adkeynaya in la helo is-afgarad qaran, islamarkaana ay meesha ka saarayaan kalsoonidii laga qabay wada-hadallada siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *