LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ganeey Waceysle oo lagu dilay Degmada Baraawe & faah faahino laga helayo

Waxaa saaka xaafadda Obasiibka ee degmada Baraawe, gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Ganeey Waceysle oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Khaalid Bin Waliid ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee laga helayo deegaanka, kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa weerar qorsheysan ku qaaday marxuumka, xilli uu ku sugnaa gudaha xaafadda Abasiibka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas lagu furay Ganeey Waceeysle, taasoo sababtay dhimashadiisa isla goobta.

Kooxihii weerarka geystay ayaa la sheegay inay si degdeg ah uga baxsadeen goobta kadib markii ay fuliyeen falka dilka ah, mana jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay dhacdadaasi.

Laamaha ammaanka degmada Baraawe ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaanno la xiriira falka. Weli lama shaacin cidda rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, hase yeeshee dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli degmada ay ka dhacayeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Maamulka degmada Baraawe iyo hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dilkaasi, balse waxaa la filayaa inay saacadaha soo socda soo saaraan warbixin ku saabsan dhacdada iyo baaritaanka socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *