LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Khilaafka Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Taliye Saneey Cabdulle oo xoogeystay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Ibraahim Maxamed Mohamuud, iyo Taliyaha Guutada 3-aad ee Qaybta 12-ka April ee CXDS, Gen. Saneey Cabdulle Gaab, uu si rasmi ah u banaanka yimid.

Khilaafkan oo la sheegay inuu salka ku hayo arrimo la xiriira awood iyo gacan-ku-haynta hubka, ayaa cirka isku shareeray kadib markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu isku dayay in uu faragelin ku sameeyo xero ciidan oo ku taalla deegaanka Geed Timir ee degmada Gubadleey.

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo, Taliye Ibraahim ayaa gelinkii dambe ee shalay isku dayay inuu ciidamo dheeraad ah geeyo xeradaasi, halkaas oo ay horey u joogeen ciidamo ka amar qaata Gen. Saneey Cabdulle Gaab. Hase yeeshee, isku daygaasi ayaa fashilmay kadib markii ciidamada xerada ku sugnaa ay diideen in lagu soo kordhiyo ciidamo cusub, taasoo muujisay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka labada dhinac.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in xaaladdu ay ahayd mid aad u kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in iska hor imaad toos ah uu dhex maro ciidamada haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Ilo kale ayaa tilmaamaya in khilaafkan uu muddo qarsoodi ahaa, balse hadda uu si cad u soo ifbaxay, isla markaana uu saameyn ku yeelan karo howlaha amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku dhow caasimadda Muqdisho.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ama taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aaddan arrintan, hase yeeshee falanqeeyayaal amni ayaa ka digaya in khilaafaadka noocan ah ay wiiqi karaan wada-shaqeynta ciidamada, islamarkaana ay khatar gelin karaan dadaallada lagu sugayo amniga dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *