Muwaadin Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay dalka Koonfur Afrika

Alle ha u naxariistee Cali Maxamuud (Cali Shiiraar) oo kamid ahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka Shaqeysata Gudaha dalka Koonfur Afrika ayaa caawa lagu dilay tuulada Khayelitsha oo ku taalla duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ganacsadaha ay dileen koox burcad ah oo hubeysan, kuwaas oo la sheegay inay toogteen xilli uu ku guda jiray howlahiisa shaqo, isla markaana uu wareejinayay Rooti, iyaga oo dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaanno la xiriira dilka, inkastoo aan weli lagu guuleysan in la soo qabto dadkii ka dambeeyay weerarka.
Dilkan ayaa qeyb ka ah falalka amni darro ee mararka qaar lagu bartilmaameedsado ganacsatada ajaanibta ah, gaar ahaan Soomaalida ku nool Koonfur Afrika, iyada oo sanad walba labaatameeyo Soomaali ah si arxan darro ah loogu dilo Gudaha dalka Koonfur Afrika welina ay Soomaali kale kusii qul qulayaan dalkaas.
Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay ehelada marxuumka ama jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku sugan, hase yeeshee waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha soo socda, iyada oo walaac xoogan uu soo wajahay Soomaalida ku nool tuulada Khayelitsha oo ku taalla duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.









