LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo dagaal kaga dhawaaqay Magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen laamaha amniga, kaas oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ka kala tirsan Ciidanka xoogga dalka, howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA)..

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee magaalada Baydhabo, iyo sidii loo xakameyn lahaa hubka sida sharci darrada ah loogu dhex wato gudaha magaalada.

Taliyaha ayaa saraakiisha ciidamada faray in si adag loo mamnuuco ku dhex qaadashada hubka culus ee magaalada, gaar ahaan gaadiidka lagu xiro qoryaha waaweyn, hubka noocyadiisa kala duwan sida BKM, RPG iyo wixii la mid ah.

S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo howlgal ka dhan ah Al-Shabaabka ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Baay, si loo wiiqo awoodda maleeshiyaadkaas.

Shirka ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli dhawaan la filayo inay magaalada Baydhabo kamid noqoto Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka qofk iyo Codka oo ay dooneyso inay dalka ka qabato Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *