LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war culus kaga dhawaaqay dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblumaasiyadda Antaaliya ee lagu qabtay dalka Turkiga, taas oo ay isugu yimaadeen madax dowladeed, diblumaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socda daafaha caalamka.

Madashan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha cakiran ee caalamka iyo doorka diblomaasiyadda casriga ah ay ka qaadan karto xal u helidda caqabadaha taagan. Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta wada-hadallo wax ku ool ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda diblomaasiyadda ee dhisidda kalsoonida iyo kobcinta xiriirrada saaxiibtinimo ee u dhexeeya dowladaha. Waxa uu tilmaamay in dunida maanta ay si weyn ugu baahan tahay wada-hadallo miro dhal ah iyo iskaashi dhab ah si wax looga qabto arrimaha amniga, horumarka iyo xasilloonida.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa uu caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada diblomaasiyadda dhinacyada badan leh, ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyo xoojinta iskaashiga beesha caalamka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aaddan nabadeynta iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo ka faa’iideysanaysa fursadaha ay madalaha caalamiga ahi bixiyaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *