DFS oo si adag uga hadashay bannaanbax ay qorsheeyeen mucaaradka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si kulul uga falceliyay bannaanbax ay Maanta iclaamiyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay wadaan qorsheyaal lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Qoraal uu wasiirku ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku su’aalay ujeeddada dhabta ah ee bannaanbaxa, isagoo yiri: “Ma hiil shacab baa mise hiil shisheeye?” Hadalkan ayaa muujinaya shakiga dowladda ee ku aaddan cidda ka dambeysa abaabulka dibadbaxaasi.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in kooxo uu ku tilmaamay kuwo “lacago lagu kharribayo nabadda” ay ka dambeeyaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka, isagoo ka digay in mas’uuliyadda wixii qalalaase ama burbur ah oo dhaca dusha laga saari doono cidda abaabulaysa bannaanbaxa.
“Kooxaha lacagaha lagu kharribayo nabadda iyo xasiloonida caasimadda ku soo qaatay, wixii dhib ah ama burburin ah ee dhaca waa dushooda, mas’uuliyaddaasna meel ugama siiban doonaan,” ayuu yiri wasiirku.
Dhanka kale, wasiirku wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay ka baxsanayaan gogol wadahadal oo uu hore u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu tilmaamay in bannaanbaxa lagu dhawaaqay uu yahay mid looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo dadaallada wadahadalka.
“Kooxda hiil shisheeye ma jirto cid u soo baxaysa, bannaanbaxa ay iclaamiyeenna waa mid ay uga dhuumanayaan gogoshii wadahadalka ee madaxweynuhu u fidiyay,” ayuu sii raaciyay.









