Dowladda oo abaal-marin u ballan qaaday cidda soo qabata xubno ka tirsan Al-Shabaab

Senator Iftiin Xasan Baasto, oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee muddo xileedkoodu dhammaaday isla markaana ka tirsan xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed ay door firfircoon ka qaataan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Senator-ka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday degmada Afgooye, halkaas oo uu si gaar ah ugu dhiirrigeliyay shacabka deegaanka inay ka gudbaan cabsida ay ka qabaan Al-Shabaab, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan ciribtirka kooxda.
“Qof walba waxaa looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo amniga dalkiisa. Cabsida iyo horumar la’aanta lama wada qaadan karo,” ayuu yiri Senator Iftiin Xasan Baasto.
Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in la abaal-marin doono cid kasta oo soo qabata xubin ka tirsan Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo iskaashiga bulshada.
Senator-ka ayaa intaas ku daray in bulshada Afgooye aysan isku mar ku jiri karin taageeridda xisbiyada siyaasadeed iyo cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay inay si cad u doortaan dhinaca amniga iyo dowladnimada.
Hadalka Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay hakisay wejiyo ka mid ah dagaalkii ay kula jirtay kooxda Al-Shabaab, arrintaas oo dhalisay falcelinno kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka amniga dalka.









