LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mucaaradka Soomaaliya oo ku dhawaaqay banaanbax ka dhan ah dowladda Federaalka

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Hawiye ayaa maanta ku dhawaaqay qorshe banaanbax ballaaran oo ka dhan ah hoggaanka dowladda Federaalka ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo, iyagoo sheegay in ay ka cabanayaan xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Kulan ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa isugu yimid qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo masuuliyiin hore oo dalka xilal ka soo qabtay. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 10-ka bishan la qabto banaanbax qaran oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho aysan ahayn mid laga aamusi karo, isla markaana ay jirto cabasho xooggan oo ka dhalatay dhibaatooyin ay sheegeen inay saameeyeen shacabka caasimadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in banaanbaxan uu si gaar ah diiradda u saari doono, sida uu hadalka u dhigay, barakicinta iyo dhibaatooyinka lagu hayo qaar kamid ah shacabka Muqdisho, isagoo ku baaqay in dadka ay saameeyeen arrimahaas ay ka qeyb qaataan isu soo baxa.

Mucaaradku waxay sheegeen in banaanbaxan uu noqon doono mid ay shacabka ku muujiyaan aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka, iyagoo ugu baaqay bulshada inay si nabad ah uga qeyb galaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *