Dowladda Soomaaliya oo soo saartay hanjabaad ku socota Farmashiyeyaasha & Dadka ka Shaqeeya

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa ku dhawaaqay qorshe adag oo lagu xakameynayo tayada iyo badqabka dawooyinka lagu iibiyo dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono farmashiyeyaasha aan buuxin shuruudaha caafimaad.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay bilowday howlgallo lagu kormeerayo goobaha lagu iibiyo dawooyinka, si loo hubiyo in ay waafaqsan yihiin heerarka lagu kaydiyo daawooyinka. Wuxuu si cad u tilmaamay in farmashiyeyaasha aan lahayn qalabka qaboojiyaha (refrigeration) ee lagu ilaaliyo tayada dawooyinka si toos ah loo xiri doono.
“Farmashi kasta oo aan lahayn qaboojiye lagu kaydiyo dawooyinka lama oggolaan doono inuu sii shaqeeyo. Sidoo kale, qof kasta oo dawo bixinaya waa inuu leeyahay aqoon iyo shahaado caafimaad oo la xaqiijiyay,” ayuu yiri Wasiirka.
Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sidoo kale ka digay halista ka iman karta dawooyinka lagu keeno dalka iyadoo aan la hubin habka loo soo raray, gaar ahaan kuwa lagu keeno konteenarro aan lahayn nidaam qaboojin. Wuxuu xusay in tani ay keeni karto in dawooyinku lumiyaan waxtarkooda ama xitaa ay noqdaan kuwo halis ku ah caafimaadka bulshada.
Wasaaradda ayaa qorsheyneysa in la adkeeyo hubinta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ka howlgala farmashiyeyaasha, iyadoo la doonayo in la joojiyo in dadka aan aqoonta u lahayn caafimaadka ay si toos ah u bixiyaan dawooyin.
Inta badan goobaha iibinta dawooyinka ee dalka ayaa la sheegay in aysan buuxin shuruudaha aasaasiga ah ee kaydinta dawooyinka, sida heerkulka saxda ah iyo nadaafadda goobta, taas oo sare u qaadaysa khatarta caafimaad ee bulshada.









