LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku dhawaaqay Go’aano culus iyo bannaanbixii Beri la qorsheeyay oo…

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo markale ku celiyay in maalinta berri ah ay qaban doonaan bannaanbaxyo ay ku diidan yihiin burburinta guryaha iyo barakicinta shacabka ee ka socota qaar kamid ah degmooyinka caasimadda.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen madax hore, xildhibaanno iyo siyaasiyiin caan ah ayaa lagu sheegay mid looga hadlay xaaladda amni iyo cabashooyinka kasoo yeeraya dadka laga raray deegaannada ay daganaayeen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta hormuudka ka ah abaabulka dibadbaxyada ayaa sheegay in isu soo baxa qorsheysan uu yahay mid nabadeed oo shacabka ay ku muujinayaan dareenkooda la xiriira burburinta iyo rarista dadka shacabka ah.

“Dibadbaxani waa mid shacabka ay ku difaacayaan xuquuqdooda, gaar ahaan dadka laga raray guryahooda iyo goobahooda ganacsi,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay inay si weyn uga qeyb qaataan bannaanbaxyada, isaga oo xusay in dadka ay saameeyeen howlaha burburinta ay codkooda muujiyaan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isna sheegay in bannaanbaxyadu aysan ku ekaan doonin hal maalin oo keliya, balse ay sii socon doonaan ilaa cabashada dadka ay dowladda wax ka qabato.

Kheyre ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay inay cadaadis iyo xarigyo u geysaneyso dhalinyaro iyo dad aragti ahaan uga soo horjeeda dowladda, isaga oo ciidamada ammaanka ugu baaqay inay ilaaliyaan shacabka bannaanbaxaya.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay u istaagaan difaaca dadka la sheegay in laga raray guryahooda, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo ay ku wada nool yihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in shacabka aysan ka aamusi karin xaaladaha la xiriira burburinta iyo barakicinta dadka danyarta ah.

Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku fashilantay joojinta cabashooyinka kasoo yeeraya shacabka, isaga oo ugu baaqay bulshada inay si nabad ah uga qeyb qaataan bannaanbaxyada la qorsheeyay.

Madaxda mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay ka dhici doonaan degmooyin kala duwan oo kamid ah gobolka Banaadir, iyaga oo ku adkeystay in isu soo baxyadu noqon doonaan kuwo nabadeed oo lagu muujinayo cabashada shacabka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *