LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay in la sameeyo musuq maasuq

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ka qeyb galay kulan lagu ansixinayay Istaraatiijiyadda Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa sheegay in musuqu uu saameyn ku yeelan karo amniga dalka, loona baahan yahay in wadajir loola dagaallamo.

Istaraatiijiyadda Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, ayaa diiradda saaraysa xoojinta dadaallada qaran ee lagu ciribtirayo musuqmaasuqa, kaas oo caqabad weyn ku ah horumarka, hufnaanta, iyo kalsoonida hay’adaha dowliga ah.

Mudane Fartaag, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo istaraatiijiyad mideysan oo wax ku ool ah, taas oo horseedi karta isla xisaabtan dhab ah iyo hufnaan buuxda. Waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay door muuqda ka qaadan doonto hirgelinta istaraatiijiyaddan, gaar ahaan dhinacyada sugidda amniga, taageeridda hay’adaha la dagaallama musuqmaasuqa, iyo xaqiijinta in sharciga si siman loogu dabaqo cid kasta.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in musuqmaasuqu uu si toos ah u wiiqo amniga qaranka, isla markaana uu curyaamiyo adeegyada bulshada, sidaa darteedna ay lama huraan tahay in si wadajir ah looga hortago. Waxa uu ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda, heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ay si dhow uga wada shaqeeyaan hirgelinta qorshahan cusub.

Kulanka ayaa lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, taas oo qeexeysa habraacyo, yoolal cad, iyo hannaan lagu cabbiro guulaha la gaarayo. Istaraatiijiyaddan ayaa sidoo kale xoogga saaraysa kor u qaadidda wacyiga bulshada, ilaalinta hantida qaranka, iyo dhiirrigelinta daahfurnaanta maamulka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa bogaadiyay dhammaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka ka qeyb qaatay diyaarinta istaraatiijiyaddan, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Amniga Gudaha in ay si buuxda uga qeyb qaadato hirgelinteeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *