Mid kamid ah Wariyeyaashii Idaacaddii Horn Afriik oo arrin halis ah loo xiray

Booliiska magaalada Minneapolis ayaa xabsiga dhigay Khaliil Bashiir Mohamud, oo ka mid ahaa shaqaalihii hore ee Idaacaddii Horn Afrik, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Khaliil Bashiir ayaa lagu eedeeyay falal culus oo ay ka mid yihiin weerar darajada koowaad ah iyo sidoo kale haysashada daroogo sharci darro ah.
Eedeymahan ayaa la sheegay inay ka dhasheen dhacdo dhowaan ka dhacday magaalada Minneapolis, iyadoo laamaha ammaanku ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan kiiska.
Khaliil ayaa si weyn looga yaqaanaa gobolka Minnesota, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu hore uga tirsanaa farsamayaqaannadii Idaacaddii Horn Afrik oo ahayd warbaahin caan ka ahayd Soomaaliya.
Sidoo kale, Khaliil waa wiilka Macalin Bashiir Maxamuud, oo isna hore uga tirsanaa isla idaacadda Horn Afrik, taas oo sii kordhineysa sida uu bulshada ugu dhex muuqday.
Wararka ayaa sheegaya in Khaliil Bashiir uu la tacaalayo xaalad caafimaad, inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin nooca xanuunka uu qabo. Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn ku saabsan xaaladdiisa iyo sida ay u saameyn karto dacwadda loo haysto.
Ilaa hadda, booliiska Minneapolis si rasmi ah ugama aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada, hase yeeshee waxaa la filayaa in maxkamad la horgeeyo maalmaha soo socda.
Kiiskan ayaa si gaar ah u soo jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyadoo dad badan ay si dhow ula socdaan halka ay wax u socdaan.









