Jabuuti oo u dareertay doorashada madaxtinimo ee 2026

Dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si rasmi ah uga bilaabatay doorashada madaxtinimo ee sanadka 2026, iyadoo muwaadiniintu ay u dareereen goobaha codbixinta ee dalka oo dhan.
Doorashadan waxaa ku tartamaya laba musharrax, waxaana si weyn isha loogu hayaa madaxweynaha talada haya, Ismaaciil Cumar Geelle, oo xukunka dalka hayay tan iyo sanadkii 1999-kii.
Goobaha codbixinta ayaa la filayaa inay xirmaan galabta, iyadoo guddiga doorashooyinka iyo hay’adaha amniga ay xaqiijinayaan habsami u socodka doorashada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa la filayaa inuu soo saaro natiijooyinka hordhaca ah marka tirinta codadka la bilaabo, halka natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.
Warbaahinta iyo shacabka ayaa si dhow ula socda natiijooyinka doorashadan, oo loo arko mid muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan doorashada madaxtinimo ee Jabuuti iyo natiijooyinka kala dambeeya marka ay soo baxaan.









