Mid kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo isku-day dil ka badbaaday

Siyaasiga Soomaaliyeed ee mucaaradka ah Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur ayaa la sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo lagu qorsheeyay magaalada uu ka deganaa dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la xiriira dhacdadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in laamaha amniga Turkiga ay gacanta ku dhigeen laba nin oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxo ku howlan dilalka qorsheysan, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay qorsheynayeen weerar lagu qaarijin lahaa Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, ragga la qabtay ayaa la socday dhaqdhaqaaqa siyaasigaasi maalmihii lasoo dhaafay, waxaana baaritaanno xooggan hadda wada hay’adaha amniga Turkiga si loo ogaado cidda ka dambeysay qorshahaasi iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad kale oo ku lug leh.
Hase yeeshee, xilligii weerarka ama qorshaha dilka la fulin lahaa, Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur ma uusan joogin guriga lagu bartilmaameedsaday, kadib markii uu safar ugu soo ambabaxay Soomaaliya, halkaasi oo uu hadda ku sugan yahay.
Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin cidda soo abaabushay ama maalgelisay ragga la qabtay, balse wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in baaritaannada socda ay diiradda saarayaan xiriirrada ay la leeyihiin kooxaha fuliyo dilalka qorsheysan iyo cid kasta oo gadaal ka riixaysay hawlgalkaasi.
Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo muddo xileedkiisa lagu tilmaamayo mid gabagabo ku dhow.









