Farmaajo oo farriin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa farriin culus oo siyaasadeed u diray Madaxweynaha hadda talada haya Hassan Sheikh Mohamud, isaga oo ugu baaqay inuu maalmaha kooban ee uga harsan muddo xileedkiisa ku bixiyo dhismaha hannaan doorasho loo dhan yahay oo ay ku qancaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.
Qoraal lagu baahiyay bogga X ee Farmaajo ayaa lagu sheegay in Jimcaha soo socda ee taariikhdu tahay 15-ka May 2026 ay ku eg tahay muddada sharciyeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo xusay in loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo wadatashi siyaasadeed iyo xal laga gaaro khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashada.
“Maalmaha ugu dambeeya ee xilka waa inuu diiradda saaraa helitaanka hannaan doorasho loo dhan yahay oo ay wada aqbalaan dhammaan saamileyda siyaasadeed,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalka.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka inay si deg deg ah u sii deyso wariyeyaasha, xubnaha bulshada rayidka ah iyo dadka kale ee uu sheegay in si sharci darro ah loo xiray, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen cabashooyinka la xiriira xarigyo iyo cadaadis loo geystay qaar kamid ah dadka dhaliila dowladda.
Farmaajo ayaa dhaliilay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isaga oo tilmaamay in dowladda looga baahan yahay inay ka shaqeyso dejinta xiisadaha siyaasadeed iyo ilaalinta xuquuqda shacabka, halkii ay xoogga saari lahayd tallaabooyin sii kordhin kara kala qeybsanaanta bulshada.










