LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal arrin darteed u tegay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti, waxaana halkaasi ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno kale oo katirsan dowladda Jabuuti. Soo dhoweynta wafdiga Soomaaliya ayaa muujisay xiriirka dhow, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo walaaltinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda dowladaha Geeska Afrika iyo marti sharaf kale oo si rasmi ah loogu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo markale loo doortay hoggaanka dalka Jabuuti.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada iskaashi ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa door muuqda ku leh taageerada amniga Soomaaliya, iyadoo ciidamada dalkaasi ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee taageeraya nabadeynta Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda sare ee dowladda Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga gobolka, la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale.

Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Jabuuti, iyadoo ay ka qeyb galayaan madax iyo wufuud kala duwan oo ka kala socda dalalka Afrika iyo caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *