Masar oo Ciidamadii ugu horreeyay keeneysa Soomaaliya iyo xogo laga helay

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada Masar ay kusoo wajahan yihiin Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Ciidamadan oo lagu qiyaasay ku dhawaad 1,410 askari ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo taageeridda hay’adaha amniga dalka. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Masar ay wataan gaadiid iyo qalab ciidan oo casri ah, kuwaas oo ka duwan kuwa ay adeegsadaan qaar ka mid ah ciidamada kale ee howlgalka ku jira.
Xukuumadda Masar ayaa horey u soo bandhigtay ciidamo si heer sare ah loo tababaray iyo gaadiid dagaal oo casri ah, inkastoo waqtigaas aan si cad loo shaacin ujeeddada dhabta ah ee loo diyaarinayay. Haatan ayaa muuqata in qorshahaasi uu qeyb ka ahaa diyaar garowga ka qeybgalka howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, dhowaan ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta howlaha lagu soo daabulayo ciidamada, gaadiidkooda iyo qalabkooda. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in horey loo sii diyaariyay goobaha ay ciidamadaasi ka howl geli doonaan, kaddib markii khubaro ka socotay Masar ay qiimeyn ku sameeyeen xaaladaha amni iyo deegaan ee goobahaas.
Ku biiritaanka ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM ayaa la filayaa inuu xoojin doono dadaallada Midowga Afrika ee ku aaddan sugidda amniga Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sare u qaadeysa iskaashiga milatari ee u dhexeeya dalalka gobolka iyo kuwa Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, lama shaacin weli taariikhda rasmiga ah ee ay ciidamadaasi si buuxda u bilaabi doonaan howlgalladooda gudaha Soomaaliya, balse dhaqdhaqaaqyada socda ayaa muujinaya in arrintu mar horeba gashay heerkii ugu dambeeyay ee fulinta qorshaha.









