LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay mas’uuliyiin taageero u muujiyay Sheekh Shariif

Hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku xiray laba mas’uul oo horey xilal uga soo qabtay maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu kala magacaabo Cabdifataax Nuur Cali iyo Yuusuf Cabdi Calasow.

Cabdifataax Nuur Cali ayaa horey u soo noqday guddoomiyihii degmooyinka Shibis, Dharkeynley iyo Kaaraan, halka Yuusuf Cabdi Calasow uu ahaa Agaasimihii hore ee Tiknoolajiyada Gobolka Banaadir.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in raggan laga qabtay gudaha magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin hay’adda fulisay xarigooda iyo goobta loo qaaday.

Xariggan ayaa yimid saacado kadib markii labada mas’uul ay taageero iyo raalli-gelin u muujiyeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaddib bannaanbax ay maanta dhigeen odayaal la sheegay inay isku hayb yihiin Sheekh Shariif.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga labada mas’uul ee hore.

Si kastaba, toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayay eedeymo loo jeedinayo dowladda Federaalka, kuwaas oo ku saabsan xarigga wariyeyaal, dhalinyaro iyo siyaasiyiin lagu tilmaamay inay ka aragti duwan yihiin dowladda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *