LATEST NEWSLOCAL NEWS

Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyinta mucaaradka?.

Kulan xasaasi ah oo ku saabsan khilaafka doorashooyinka dalka ayaa maanta ka dhacay xarun ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ku leedahay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaas oo ay yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo xubno ka tirsan mucaaradka.

Kulanka ayaa waxaa dhinaca dowladda uga qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 1-aad Salah Ahmed Jama, halka dhinaca mucaaradka ay joogeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni.

Waxaa kulanka dhex-dhexaadinayay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Charles King iyo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis.

Xubin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegtay in doodda ugu weyn ay ahayd nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta iyo sida looga gudbi karo khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku dooday in dowladdu horey ugu guuleysatay qabashada doorashooyinka qof iyo cod ah ee ka dhacay gobollada Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, isagoo xusay in dowlad-goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug loo qorsheeyay in doorashooyinkooda la qabto dhammaadka bisha June.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaasi caddeyn u tahay in dalka laga hirgelin karo nidaamka doorashada qof iyo cod, wuxuuna soo jeediyay in la magacaabo guddi farsamo oo sii amba-qaada wada-hadallada.

Si kastaba, mucaaradka ayaa ku adkeystay in heshiis rasmi ah laga gaaro arrimaha doorashada kahor 15-ka May, haddii kale ay wada-hadalladu fashilmi karaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo u hadlay dhinaca mucaaradka, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay in muddo laba maalmood ah oo keliya ay harsan tahay, isla markaana qorshaha hadda socda uu ahaa mid lagu fulin lahaa muddada xilheynta dowladda gudaheeda.

Deni ayaa ku hanjabay in haddii la gaaro 15-ka May iyadoo aan heshiis la gaarin, aan Madaxweynaha Soomaaliya mar dambe lagala hadli doonin arrimaha doorashada.

Dhankiisa, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka ka codsaday dowladda in la sii daayo dhammaan dadkii loo xiray mudaharaadyadii iyo dhaq-dhaqaaqyadii siyaasadeed ee la xiriiray khilaafka doorashada.

Shariif ayaa tilmaamay in xarigga shacabka iyo xubnaha mucaaradka ay dhaawacayso sumcadda dowladda, isla markaana aysan ku habboonayn xilligan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in Safiirka UK, Charles King, uu soo jeediyay in la sameeyo guddi hoosaadyo sii wada wadahadallada caawa, iyadoo madaxda dib isugu soo laaban doonaan kulan kale oo berri 10:00 subaxnimo dhici doona.

Safiirka ayaa sidoo kale madaxda Soomaalida uga digay in haddii heshiis laga gaari waayo khilaafka doorashada, ay suuragal tahay in Soomaaliya lagu soo rogo cunaqabateyn dhinaca socdaalka iyo dhaqaalaha ah.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa inay caawa  warbixin  siiyaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, halkaas oo ay sidoo kale kaga tashan doonaan mowqifkooda ku aaddan kulanka berri la qorsheeyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *