Jubbaland oo xukun adag ku riday Nin qorsheeynayay weerar ka dhaca Dekadda Kismaayo

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heystay Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab isla markaana qorsheynayay falal amni darro oo ka dhaca magaalada Kismaayo.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf 10 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii ay dhageysatay garmaqalkii saddexaad ee kiiska iyo doodihii ay soo bandhigeen Xeer-ilaalinta iyo qareenka difaaca eedeysanaha.
Sida lagu sheegay dacwadda, Cabdirisaaq ayaa lagu helay eedo la xiriira ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab iyo inuu qorsheynayay weerarro lagu bartilmaameedsanayo goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ay ku jiraan dekedda magaalada iyo munaasabad qalinjabineed oo ay qabaneysay Jaamacadda Plasma.
Xafladda qalinjabinta oo ka dhacaysay Hoolka weyn ee Daawad ayaa la sheegay inay ka qeyb geli lahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland, taas oo sida ay sheegeen hay’adaha ammaanku ka dhigtay bartilmaameed halis amni oo weyn.
Intii uu socday dhageysiga dacwadda, Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda horgeysay caddeymo iyo eedo muujinaya in eedeysanuhu xiriir la lahaa Al-Shabaab isla markaana uu ku lug lahaa qorsheynta falal argagixiso. Dhinaca kale, qareenka difaaca ayaa dood ka keenay eedaha loo jeediyay Cabdirisaaq, balse maxkamaddu waxay ugu dambeyn go’aamisay in lagu helo dambiyada lagu soo oogay.
Xukunka maanta kasoo baxay Maxkamadda Ciidanka Jubbaland ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Jubbaland uu ku xoojinayo amniga magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaannada maamulkaasi, iyadoo hay’adaha ammaanku ay marar badan sheegeen inay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.









