Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoor Qoor oo ka heshiiyay doorashada Galmudug & Qoor Qoor oo…

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kariye Qoorqoor ay gaareen is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka hoggaanka Galmudug iyo habka uu Madaxweyne Qoorqoor uga bixi lahaa xilka si nabad ah.
Sida ay sheegayaan ilo siyaasadeed oo ku dhow wada-hadallada socda, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb u diray wafdi gaar ah oo ka kooban Sadiq John iyo Yasin Farey, kuwaas oo la sheegay inay wadeen qorshaha kala-guurka maamulka iyo wada-hadallada la xiriira bixitaanka Madaxweyne Qoorqoor.
Wafdigan ayaa gaaray magaalada Dhusamareb xilli xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ay gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo dowladda federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u xakameyn lahayd khilaafaadka siyaasadeed iyo muranka hareeyay doorashooyinka maamulka.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Qoorqoor maalmaha soo socda uu usoo wareegi doono magaalada Mogadishu, halkaasi oo uu si ku-meel-gaar ah u degi doono inta laga diyaarinayo hoy rasmi ah oo la sheegay in loogu qorsheeyay magaalada Djibouti.
Wararka ayaa sheegaya in qorshahan uu qeyb ka yahay heshiis siyaasadeed oo ay garwadeen ka tahay Villa Somalia, kaas oo lagu doonayo in si deggan loogu maareeyo kala-guurka maamulka Galmudug iyadoo laga fogaanayo xiisad amni ama khilaaf siyaasadeed oo hor leh.
Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Ali Eid ayaa la sheegay inuu si rasmi ah ula wareegayo inta badan shaqooyinka maamulka Galmudug, iyadoo taageero buuxda ay siinayaan hay’adaha ammaanka federaalka.
Awaamiir uu Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug soo saaray shalay ayaa maanta dhaqan galay, kuwaasi oo diiradda saaraya dardargelinta qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah ee maamulka Galmudug.
Laamaha ammaanka federaalka ayaa sidoo kale lagu arkayaa dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ka socda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo la adkeeyay xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo goobaha maamulka.









