LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo sheegtay inay qarax la beegsatay Madaxweynaha Hirshabeelle

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay galabnimadii shalay weerar qarax ah ka fulisay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo sheegtay in bartilmaameedka weerarku uu ahaa kolonyada galbineysay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabeelle, Cali Guudlaawe.

Sida ay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab baahisay, qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyada xilli ay ku sii jeedeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar. Kooxdu waxay ku doodday in qaraxu uu dhacay xilli ay kolonyadu maraysay mid ka mid ah waddooyinka magaalada.

Wararka ay Al-Shabaab faafisay ayaa intaas ku daraya in Cali Guudlaawe uu ka badbaaday weerarka, halka ugu yaraan afar askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxa. Si kastaba ha ahaatee, kooxda ma soo bandhigin caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaysa sheegashadeeda.

Ilaa iyo hadda, maamulka HirShabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya ama faahfaahin ka bixinaya weerarka iyo khasaaraha la sheegay. Sidoo kale, ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo taageeraysa sheegashada Al-Shabaab.

Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah goobaha ay mararka qaar ka dhacaan weerarro lagu beegsado mas’uuliyiinta dowladda iyo ciidamada ammaanka, iyadoo xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay weli tahay mid xasaasi ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *