LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Masar oo burburisay rajadii taageerayaasha aqoonsiga Somaliland

Dowladda Masar ayaa markale ku celisay mowqifkeeda adag ee ay ku difaaceyso midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad u sheegtay inay gebi ahaanba diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa dhulka Soomaaliya, oo ay ku jirto aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, isagoo caddeeyay in aqoonsiga Somaliland uu yahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Abdelatty ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Qaahira ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo hay’adaha qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda amniga, xasilloonida iyo ilaalinta midnimada dalka.

Labada wasiir ayaa intii uu socday wada-hadalkooda ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, xaaladaha gudaha Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda Geeska Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo amniga, isagoo ku ammaanay mowqifka cad ee Masar ee difaaca midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *