Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Golaha Wasiirrada oo go’aanno waaweyn gaaray, mas’uuliyiin cusubna magacaabay

    12 November 2026

    Beesha Xawaadle oo gogol wadatashi u fidisay beelaha Hiiraan, kuna dhawaaqday…

    12 November 2026

    Dal kale oo ciidamadiisa kala baxaya Soomaaliya, kadib Uganda

    12 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Golaha Wasiirrada oo go’aanno waaweyn gaaray, mas’uuliyiin cusubna magacaabay
    LATEST NEWS

    Golaha Wasiirrada oo go’aanno waaweyn gaaray, mas’uuliyiin cusubna magacaabay

    Banaadir24By Banaadir2412 November 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaaadir24) —Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa lagaga hadlay xaaladda dalka, amniga, siyaasadda iyo horumarka dowladda ee dhinacyada kala duwan.

    Kulanka oo uu Shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay heshsiiyo, siyaasado iyo magacaabista mas’uuliyiin sarsare oo madax ka noqonaya hay’addo cusub oo dowladeed.

    Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal-jeedin ka sameeyay golaha ayaa bogaadiyay doorashooyinkii qof iyo cod ee dalka ka dhacay, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo soo hoyatay, gaar ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska , waxa uu sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ka digay in la caadiyeeyo kooxaha argagixisada, taas oo uu sheegay in ay ka dhalanayso halis weyn oo amni. Mar uu ka hadlay xaaladda amni ee dalka ayuu sheegay in nabadgalyada dalka ay wanaagsantahay, ciidanka xoogga dalkana uu ku filanyahay gudashada waajibaadkooda.

    Mudane Xamsa ayaa sheegay in wadahadaladii arrimaha doorashada ay socdaan, isla markaana furan-tahay gogosha dowladda, isaga oo xusay in go’aan kasta la waafajin doono dastuurka iyo xeerarka dalka.

    Intii uu shirka Golaha socday, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan Tiirka siyaasadda loo dhanyahay ayaa soo bandhigay warbixin la-xiriirta hawlo shaqo oo ay ku tageen Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, halkaas oo tababarro iyo taageero farsamo ay u fidiyeen mas’uuliyiinta illaa heer agaasime ee maamulkaas. Sidoo kale waxaa shirka warbixin faahfaahsan ka jeediyay maamulka Xarunta Adeegyada Mideysan ee Halmeel iyo halka ay marayaan howlaha lagu shaqo-galinayo xarunta cusub.

    Golaha wasiiradda ayaa dhanka kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka kadib soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda, xilkaas oo loo magacaabay Mudane Faysal Maxamed Xaashi, sidoo kale Golaha ayaa meelmariyay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka kadib soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta, xilkaas oo loo magacaabay Mudane Khadar Maxamuud Xareed.

    Golaha Wasiiradda waxa ay sidoo kale ansixiyeen Maareeyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Qaranka, kadib soo jeedinta Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, xilalkaas oo loo kala magacaabay Maareeye Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Maareeye Ku-xigeen Mudane Dr Faarax Maxamed Sharaawe.

    Golaha ayaa intii uu socday waxaa lagu ansixiyey siyaasado iyo heshiisyo muhiim ah kuwaas oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran, waxa ayna kala yihiin.

    1. Siyaasadda Qaran ee waxbarashada farsamada iyo tababbarka xirfadaha

    2. Siyaasadda Qaran ee Kafaalada Carruurta Soomaaliyeed

    3. Siyaasadda Qaran ee Nidaaminta arrimaha Hijrada

    4. Heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo uu matalayo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Aadanaha, kaasi oo ku saabsan Asaaska Xafiis uu ku yeesho dalkeenna.

    5. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan iskaashiga dhanka adeegyada bulshada.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleBeesha Xawaadle oo gogol wadatashi u fidisay beelaha Hiiraan, kuna dhawaaqday…
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Beesha Xawaadle oo gogol wadatashi u fidisay beelaha Hiiraan, kuna dhawaaqday…

    12 November 2026

    Dal kale oo ciidamadiisa kala baxaya Soomaaliya, kadib Uganda

    12 November 2026

    Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa

    12 November 2026

    Fadeexad diblomaasiyadeed: 9 xubnood oo wafdi Soomaali ah oo la la’yahay

    12 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Golaha Wasiirrada oo go’aanno waaweyn gaaray, mas’uuliyiin cusubna magacaabay

    By Banaadir2412 November 20260

    Muqdisho (Banaaadir24) —Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Beesha Xawaadle oo gogol wadatashi u fidisay beelaha Hiiraan, kuna dhawaaqday…

    12 November 2026

    Dal kale oo ciidamadiisa kala baxaya Soomaaliya, kadib Uganda

    12 November 2026

    Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa

    12 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Golaha Wasiirrada oo go’aanno waaweyn gaaray, mas’uuliyiin cusubna magacaabay
    • Beesha Xawaadle oo gogol wadatashi u fidisay beelaha Hiiraan, kuna dhawaaqday…
    • Dal kale oo ciidamadiisa kala baxaya Soomaaliya, kadib Uganda
    • Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa
    • Fadeexad diblomaasiyadeed: 9 xubnood oo wafdi Soomaali ah oo la la’yahay

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d