Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa

    12 November 2026

    Fadeexad diblomaasiyadeed: 9 xubnood oo wafdi Soomaali ah oo la la’yahay

    12 November 2026

    Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay Abiy Axmed, xog cusub oo kulanka kasoo baxday

    11 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa
    LATEST NEWS

    Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa

    Banaadir24By Banaadir2412 November 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadis diblomaasiyadeed oo xooggan, iyadoo dalal reer galbeed ah iyo saaxiibbo caalami ah ay ku cadaadinayaan inuu heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah la gaaro mucaaradka, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada dalka.

    72-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay in Villa Somalia ay gaareen farriimo toos ah oo ka yimid caasimado reer galbeed ah iyo dalal kale oo xiriir dhow la leh Soomaaliya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh loogu sheegay muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhinacyada dalka isku soo dhoweeya.

    Digniinaha la gaarsiiyey madaxweynaha ayaa la xiriira kulanka soo socda ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, iyadoo laga cabsi qabo in haddii aan xal laga gaarin khilaafka siyaasadeed ay kasoo baxaan go’aanno aan u rooneyn dowladda Soomaaliya.

    Dhanka kale, gogosha wada-hadallada ee Villa Somalia ay qorsheysay 14-ka bishan ayaa wajahaysa caqabad weyn, kaddib markii Puntland iyo Jubbaland la sheegay inay ka baaqanayaan ka qeybgalka kulankaas, iyagoo isla maalmahaas bilaabaya wadatashiyo siyaasadeed oo laga filayo go’aanno xasaasi ah.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in wasiir qaabilsan arrimaha Afrika oo ka tirsan dowlad reer galbeed ah uu khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, halka wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas uu qorsheynayo kulan uu madaxweynaha kula yeesho, kaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka doorashada iyo baahida loo qabo heshiis lala gaaro mucaaradka.

    Dalalka reer galbeedka ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya xaaladda amniga Soomaaliya, iyagoo su’aalo ka keenaya natiijada taageerada dhaqaale iyo midda militari ee ay muddada dheer siinayeen dowladda Soomaaliya.

    Mareykanka iyo UK ayaa la sheegay inay in ka badan shan bilyan oo dollar ku bixiyeen taageerada amniga Soomaaliya, hase yeeshee weli ay jiraan caqabado waaweyn oo la xiriira awoodda dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

    Dhanka kale, laba dal oo ka mid ahaa saaxiibbada dhow ee Villa Somalia ayaa la sheegay inay bilaabeen dib-u-eegis ku saabsan xaaladda Soomaaliya, kaddib markii warbixinno walaac leh oo ka yimid Muqdisho ay gaareen caasimadda Turkiga ee Ankara.

    Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo khilaafka doorashada, kala aragti duwanaanshaha dowladda iyo mucaaradka, iyo mowqifka dowlad-goboleedyada ay sii kordhinayaan cadaadiska gudaha iyo kan caalamiga ah ee saaran Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleFadeexad diblomaasiyadeed: 9 xubnood oo wafdi Soomaali ah oo la la’yahay
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Fadeexad diblomaasiyadeed: 9 xubnood oo wafdi Soomaali ah oo la la’yahay

    12 November 2026

    Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay Abiy Axmed, xog cusub oo kulanka kasoo baxday

    11 November 2026

    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan…

    11 November 2026

    Al-Shabaab oo weerarro culus ku qaaday kolonyadii ciidamada Uganda ee ku wajahneyd Baraawe

    11 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa

    By Banaadir2412 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadis diblomaasiyadeed oo xooggan, iyadoo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Fadeexad diblomaasiyadeed: 9 xubnood oo wafdi Soomaali ah oo la la’yahay

    12 November 2026

    Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay Abiy Axmed, xog cusub oo kulanka kasoo baxday

    11 November 2026

    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan…

    11 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah la gaarsiiyey, Villa Somalia oo xaalad adag wajahaysa
    • Fadeexad diblomaasiyadeed: 9 xubnood oo wafdi Soomaali ah oo la la’yahay
    • Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay Abiy Axmed, xog cusub oo kulanka kasoo baxday
    • Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan…
    • Al-Shabaab oo weerarro culus ku qaaday kolonyadii ciidamada Uganda ee ku wajahneyd Baraawe

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d