Beledweyne (Banaadir24) — Magaalada Beledweyne waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo cusub, kaddib markii hoggaanka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee beesha Xawaadle ay soo saareen go’aanno ku saabsan xaaladda gobolka Hiiraan iyo mustaqbalkiisa.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo xubno isugu jira odayaal dhaqan, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa kulamo wadatashi ah ku yeeshay Beledweyne, kuwaas oo looga hadlay tabashooyinka siyaasadeed, amniga iyo matalaadda bulshada Hiiraan.
Natiijada kulamadaas ayaa noqotay in Xawaadle ay ku baaqdo shirweyne wadatashi oo ay ka soo qayb galaan dhammaan beelaha gobolka, siyaasiyiinta iyo hoggaanka dhaqanka, si loo helo hannaan mideysan oo looga tashado arrimaha gobolka.
Dhanka kale, beesha ayaa diidmo adag ka muujisay doorashadii maamulka Hirshabeelle ee lagu qabtay Jowhar, iyadoo sheegtay in hannaankaasi uusan ka tarjumayn rabitaanka iyo aragtida bulshada ay khusayso.
Xawaadle waxay ku dooday in mustaqbalka Hiiraan uusan noqon karin arrin ay go’aamiyaan dhinacyo kooban, balse loo baahan yahay in dhammaan qaybaha bulshada ay kaalin ku yeeshaan go’aannada siyaasadeed ee gobolka.
Arrintan waxaa barbar socota qorshe dibadbax nabadeed oo la shaaciyay in la qaban doono 15-ka November 2026, kaas oo lagu muujinayo mowqifka hoggaanka dhaqanka iyo taageerada loo hayo baaqyada ku saabsan xuquuqda iyo masiirka Hiiraan.
Hoggaanka beesha ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka la filayo inay ka qaybgalaan dibadbaxa, iyagoo ku boorriyay inay ilaaliyaan nabadda, kala dambaynta iyo hantida dadweynaha iyo tan gaarka ah.
Ugu dambayn, warmurtiyeedka ayaa lagu bogaadiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo lagu ammaanay dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo badbaadinta shacabka.
Go’aannadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira matalaadda Hiiraan iyo hannaanka hoggaamineed ee Hirshabeelle.