Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Kosovo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay in si degdeg ah loo caddeeyo halka ay ku sugan yihiin sagaal qof oo ka tirsanaa wafdi Soomaali ah oo booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Pristina, kuwaas oo la waayey kadib markii ay ka baxeen hoygii loo diyaariyey.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Kosovo ayaa walaac diblomaasiyadeed u gudbisay dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in sagaalkan qof ay qeyb ka ahaayeen wafdi rasmi ah oo dalkaas booqasho ku joogay intii u dhaxaysay 25-kii ilaa 28-kii October 2026.
Warqad diblomaasiyadeed oo ku taariikheysneyd 30-kii October, ayaa lagu sheegay in wafdiga uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Soomaaliya, Saciid Maxamed Maxamuud, iyo Wasiir-ku-xigeenka Dekedaha, Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
Sagaalka qof ayaa la sheegay inay 27-kii October abbaare 7:10 fiidnimo ka baxeen hoyga Dua Village, iyagoo aan wax ogeysiis ah siin mas’uuliyiintii Kosovo ee qaabilsanaa booqashadooda.
Baaritaanno hordhac ah ayaa muujiyey inay suuragal tahay in dadkaasi ay u safreen meel kale oo gudaha Kosovo ah, hase yeeshee ma aysan imaan garoonka diyaaradaha Pristina 28-kii October, xilli loo qorsheeyey inay dalka ka dhoofaan iyagoo adeegsanaya qeybta VIP-da.
Dowladda Kosovo ayaa xaqiijisay in labadii wasiir ay dalkaasi ka dhoofeen 28-kii October, halka sagaalka xubnood ee kale aan weli la ogeyn halka ay ku sugan yihiin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in aysan haynin xog rasmi ah oo ku saabsan halka ay joogaan dadkaasi, xaaladdooda socdaal, ammaankooda iyo inay dalka ka baxeen iyo in kale.
Kosovo ayaa hadda dowladda Soomaaliya ka dalbatay iskaashi degdeg ah si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin sagaalka qof iyo xaaladdooda amni, iyadoo arrintan ay dhalisay su’aalo ku saabsan sababta ay xubnahaasi uga hareen safarkii wafdiga rasmiga ahaa.
