DEG DEG: Ciidamada Ammaanka oo Beledweyne ku toogtay nin Shabaab ah mid kalana nolosha ku qabtay

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa toogasho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, kaddib markii uu isku dayay inuu qalqal geliyo dadweyne u soo daawasho tegay ciyaar kubadda cagta ah oo ka socotay magaalada.
Howlgalka degdegga ah ee ciidamada ayaa fashiliyey qorshihii maleeshiyada, waxaana la xaqiijiyey in shacabka iyo ciyaartoyduba ay badbaadeen, iyadoo xaaladda goobtana si buuxda loo sugay.
Mid kale (nolosha ayaa lagu qabtay):
Ciidamada Ammaanka ee Beledweyne ayaa nolosha ku qabtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, xilli uu isku dayayay inuu carqaladeeyo dadweyne u soo daawasho tegay ciyaar kubadda cagta ah oo ka socotay magaalada.
Ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaas, waxayna gacanta ku dhigeen eedeysanaha kahor inta uusan fulin qorshihiisa, iyadoo baaritaanno lagu wado dhacdada.

Faah-faahinta kala soco Banaadir24 Online.









