Ciidamada NISA oo Garasbaaley ku dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kaas oo lagu beegsaday laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Howlgalka ayaa lagu dilay hal dhagarqabe, halka midkii kalena lagu dhaawacay, iyadoo saraakiisha hoggaamineysay hawlgalka ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen in uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana uusan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada.
Dhanka kale, ciidamada amniga oo heegan sare ku jiray ayaa sidoo kale xalay fashiliyey isku day argagixiso oo Khawaarijtu damacsanaayeen inay ka geystaan xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Baladweyne.
Ciidamada ayaa halkaasi ku toogtay hal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka dhagarqabihii kale lagu qabtay isagoo nool, taasoo mar kale muujinaysa feejignaanta iyo dadaalka joogtada ah ee ciidamada amniga ay ugu jiraan ka hortagga dhagarta iyo shirqoollada Khawaarijta.









