Markab laga leeyahay Dalka Masar oo lagu la’yahay Xeebaha Puntland iyo Masar oo DFS fariin culus….

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Masar ayaa maanta si rasmi ah uga hadashay xaaladda markabka shidaalka ee lagu magacaabo M/T Eureka, kaas oo la sheegay in laga afduubtay meel u dhow biyaha dalka Yemen kadibna loo jiheeyay dhinaca xeebaha Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in dowladda ay si dhow ula socoto xaaladda markabka iyo shaqaalaha saaran, kuwaas oo ay ku jiraan siddeed badmaax oo u dhashay Masar.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in markabka laga qafaashay meel ku dhow biyaha caalamiga ah ee Yemen, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in markii dambe loo dhaqaaqay dhinaca xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ku dhow maamulka Puntland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa amar degdeg ah siiyay safaaradda Masar ee ku taal magaalada Muqdisho si ay ula socdaan xaaladda muwaadiniinta Masaarida ah ee saaran markabka.
Sidoo kale wasiirka ayaa faray diblomaasiyiinta iyo laamaha qunsuliyadda in la bixiyo taageerada lagama maarmaanka ah, isla markaana la sameeyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo badqabka shaqaalaha iyo sidii loo sii deyn lahaa.
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay xiriir la sameyneyso dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo helo xog dheeraad ah oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay markabka iyo xaaladda shaqaalaha saaran.
Afduubkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira amniga marin-biyoodka gobolka, gaar ahaan xeebaha Yemen iyo Soomaaliya, halkaas oo muddooyinkii dambe laga soo sheegayay falal la xiriira afduub iyo weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ama dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan markabkan iyo cidda ka dambeysa afduubka.









