DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in uu ka naxay isku daygii weerar ee Donald Trump

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu si weyn uga naxay ugana murugooday isku daygii weerar ee lagu qaaday Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Madaxweyne Cirro ku muujiyay farxaddiisa ku aaddan in Madaxweyne Trump, Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, Marwada Koowaad iyo dhammaan dadkii kale ee goobta ku sugnaa ay badbaadeen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale si cad u sheegay in Somaliland ay si adag uga soo horjeeddo dhammaan noocyada rabshadaha siyaasadeed, isaga oo xusay in ficillada noocaas ahi aanay meel ku lahayn nidaamka dimuqraadiyadeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Cirro ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay si buuxda u garab taagan tahay Dawladda saaxiibka la ah ee Maraykanka, isaga oo muujiyay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *