Mareykanka oo beddelay istaraatiijiyaddiisa & Al-Shabaab oo wajahaysa duqeymihii ugu xooganaa abid

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn u kordhiyay weerarrada cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya, iyadoo tirada duqeymaha la fuliyay muddadii labaad ee Trump ay gaartay ugu yaraan 207 weerar, marka loo eego 48 duqeyn oo keliya oo dhacay intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Joe Biden.
Warbixin cusub ayaa muujisay in sannadkii 2025 uu noqday sanadkii ugu duqeymaha badnaa ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, iyadoo la diiwaangeliyay 132 weerar. Intooda badan waxay beegsadeen kooxda Daacish ee Soomaaliya (ISS), xilli ciidamada Puntland ay wadeen guluf ballaaran oo ka dhan ahaa kooxdaas.
Hase yeeshee, xogta sanadkan ayaa muujinaysa isbeddel muuqda, iyadoo Mareykanku dib ugu jeestay beegsiga Al-Shabaab. Ilaa hadda sanadkan waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan 74 duqeyn, kuwaas oo 41 ka mid ah lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.
Warbixintu waxay sheegtay in isbeddelkan uu la xiriiro dib u soo xoogeysiga Al-Shabaab, kuwaas oo sanadihii u dambeeyay dib ula wareegay dhulal ay hore uga qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya intii uu socday gulufkii 2022–2023.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyay inuu joojinayo taageeradii uu siin jiray howlgalka Qaramada Midoobay ee taageera ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM, isagoo sabab uga dhigay caqabadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya iyo horumar la’aanta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Trump ayaa caddeeyay inuusan yareyn doonin dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana uu sii wadi doono duqeymaha iyo howlgalada militari ee lagu beegsanayo Al-Shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale, maamulka Trump ayaa fududeeyay habraacyadii oggolaanshaha duqeymaha, isagoo awood dheeraad ah siiyay taliyeyaasha ciidamada ee goobaha jooga, arrintaas oo la filayo inay sii kordhiso weerarrada cirka ee Mareykanka ka fulinayo Soomaaliya inta ka harsan muddadiisa.









