Ciidanka Xoogga dalka oo duqeeyay Al-Shabaab & 26 xubnood oo lagu…

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay duqeymo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa lagu dilay 26 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo goobo ay kooxda u adeegsaneysay abaabulka iyo fulinta weerarro argagixiso.
Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin gulufka joogtada ah ee lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta, si loo wiiqo awooddooda loogana hortago weerarro ay qorsheynayeen.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada, iyadoo carrabka ku adkeysay in howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.










