LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo amaanay tallaabo ay qaaday DFS kadib askartii ku xadgudubtay calanka Mareykanka

Mareykanka ayaa si kulul uga hadlay falal uu sheegay inay dhaawacayaan xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in shacabka Mareykanka ay Soomaaliya ku bixiyeen balaayiin doollar oo gargaar ah, gaar ahaan taageerada ciidamada iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

War-saxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in iskaashiga labada dal uu salka ku hayo kalsooni iyo dano wadajir ah, isla markaana fal kasta oo lagu wiiqayo xiriirkaasi uu ugu dambeyn waxyeello u geysanayo shacabka Soomaaliyeed.

Safaaraddu waxay si gaar ah u bogaadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinkii degdegga ahaa ee ay qaaday kadib markii la baahiyay muuqaal muujinaya shaqsiyaad ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku xadgudbay calanka Mareykanka.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa sheegay in dadka uu ku tilmaamay kuwa si ula kac ah u dhaawacaya xiriirka labada dal ay wadaan falal ka dhan ah danaha shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in si adag loola xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocaas ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *