Xog: Museveni oo albaabka ka xirtay Xasan Sheekh? Villa Somalia oo xal raadineysa

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii loo heli lahaa booqasho rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago Uganda, kaddib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, dadaalladan ayaa yimid kadib safarro uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku booqday dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, isaga oo doonayay inuu xoojiyo taageerada gobolka xilli Mareykanku hakiyay qeyb ka mid ah taageeradii ciidamada shisheeye.
Wararku waxay intaas ku darayaan in khilaafka labada hoggaamiye uu salka ku hayo kulan dhacay 10-kii May, markaas oo Museveni uu Xasan Sheekh ku boorriyay inuu wadahadal la furo mucaaradka si loo gaaro is-afgarad doorasho. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in taladaas ay diideen xubno ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha, arrintaas oo la sheegay inay dhalisay caro ka timid dhinaca Museveni iyo saraakiil sare oo Uganda ah.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in laba ka mid ah lataliyeyaasha ugu awoodda badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiir sare oo ka tirsan xukuumadda ay wadeen dadaallo lagu dejinayo xiisadda, balse aan weli lagu guuleysan.









