Xildhibaan kaligii taliye ku tilmaamay madaxweynaha muddo xileedjiisa dhamaaday ee Xasan Sheekh

Xildhibaan Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal dheer oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku dhaliilay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu ka leexday isbahaysigii siyaasadeed ee xukunka ku taageeray, isla markaana uu talada dalka ku saleeyay awood shakhsiyeed iyo xulafeysi dano ku dhisan.
Qoraalka xildhibaanka ayaa si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada iyo goobaha siyaasadda, iyadoo uu ku muujiyay aragtidiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida uu u arko hoggaanka dowladda Federaalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xukunka ku gaaray taageero siyaasadeed oo ballaaran, kana timid saaxiibbo siyaasadeed, xulafo mucaarad ah iyo kooxo kala duwan oo isugu yimid sidii uu talada dalka ku qaban lahaa. Hase yeeshee, wuxuu ku dooday in markii uu xafiiska yimid uu u dhaqmay sidii hoggaamiye si kaligiis ah awoodda ku qabsaday, isagoo aan tixgelin siin doorkii ay ku lahaayeen dadkii garab istaagay.
Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu ku dhaliilay madaxweynaha in daacadnimada shakhsiga ah uu ka hormariyay kartida, hufnaanta iyo talada wanaagsan. Sida uu qoraalka ku sheegay, dad badan oo la shaqeynayay Madaxweynaha ayaa markii hore isu arkayay shuraako siyaasadeed oo talada wax ku leh, balse markii dambe ay dareemeen in loo adeegsanayo keliya ilaalinta xukunka, halkii ay ka ahaan lahaayeen saamilay siyaasadeed oo door muuqda leh.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale tilmaamay in hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh aanu mudnaanta siin dhismaha hay’ado dowladeed oo adag oo ku dhisan sharci, nidaam iyo maamul waara. Wuxuu ku eedeeyay inuu awoodda ku saleeyay xiriirro shakhsiyeed, heshiisyo ku meel gaar ah, taageero beeleed iyo dano siyaasadeed oo is beddelaya.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in dal nugul sida Soomaaliya oo kale, hoggaamiye kasta oo isku daya inuu ka maarmo shacabka iyo xulafadiisa isaga oo aan dhisin hay’ado adag, ugu dambayn uu wajahayo go’doon siyaasadeed iyo taageero la’aan.
“Marka hore xulafada ayaa kaa fogaata, marka xigtana saaxiibbada, ugu dambayna kuwii dantu kuu joogay ayaa kaa dareera,” ayuu ku yiri qoraalkiisa, isagoo xusay in kibirka siyaasadeed iyo talo xumadu aanay si degdeg ah u ridin hoggaamiyaha, balse ay si tartiib tartiib ah u go’doomiyaan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gabagabadii qoraalkiisa ku sheegay in taariikhdu muujisay in hoggaamiyeyaasha ku yimaada isbahaysi siyaasadeed balse markii dambe isku daya inay dalka u maamulaan sidii inay kaligood awood ku qabsadeen, ay inta badan ku dhacaan burburka isbahaysigii markii hore xukunka gaarsiiyay.









