” Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu wajahayaa qalqal siyaasadeed & kalsooni darro” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Xildhibaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo adag, kalsooni darro gudaha dowladda ah, iyo cadaadis sii kordhaya oo kaga imaanaya mucaaradka iyo bulshada.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu isku dayayo inuu isu muujiyo hoggaan awood leh, balse dhab ahaantii uu jiro jahawareer siyaasadeed iyo cabsi laga qabo abaabulka mucaaradka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe muddo-kororsi ah oo aan heshiis lagu wada ahayn, islamarkaana uu taageero uga raadinayo kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo beelaha Muqdisho.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale tilmaamay in gudaha ciidamada iyo hay’adaha dowladda ay ka jiraan cabashooyin la xiriira musuqmaasuq, eex, iyo dallacaado ku saleysan qaraabo iyo xiriir gaar ah, taas oo uu sheegay inay keentay niyad-jab iyo kalsooni darro sii korortay.
Dhanka kale, wuxuu xusay in xaaladaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay sii kordhiyeen khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda federaalka.
Gabagabadii, qoraalka ayaa lagu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay si isa soo taraysa u muujinayaan baraarug siyaasadeed iyo su’aalo ku saabsan sharciyadda, musuqmaasuqa, iyo ku takri-falka awoodda, arrintaas oo lagu tilmaamay caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan dowladda.









