LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddoomiye Muungaab oo jawaab leh siiyay Senator Cabdi Qeybdiid

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna siyaasi caan ah, Maxamed Xasan Xuseen Mungaab, ayaa si kulul uga hadlay hadallo dhawaan kasoo yeeray Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, kuwaas oo la xiriiray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mungaab ayaa sheegay in Muqdisho aysan mar dambe aqbali doonin rabshado, qalalaase siyaasadeed ama dagaallo horseeda amni darro, isagoo carrabka ku adkeeyay in caasimaddu maanta tahay meel nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloonayaan xasillooni iyo horumar.

Hadalka Guddoomiye Mungaab ayaa yimid kadib markii Senator Cabdi-Qaybdiid uu jeediyay hadallo ay dad badan u fasirteen hanjabaad siyaasadeed oo ku wajahan Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay:

“Odaygii(Cabdiqaybdiid) ee Galmudug ka soo dhaaranaayey ee lahaa afarta Bisha June hala gaaro oo Xasan ha isoo weeraro Haduu markale isoo weerari karo, Waxaan leeyahay Ogow Muqdisho rabshada & Fawdo ma rabto mana la ogolaan doono, Muqdisho waa Amni waana Nabad”.

.Mungaab ayaa sheegay in Muqdisho aysan mar dambe aqbali doonin rabshado, qalalaase siyaasadeed ama dagaallo horseeda amni darro, isagoo carrabka ku adkeeyay in caasimaddu maanta tahay meel nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloonayaan xasillooni iyo horumar.

“Afarta bisha June hala gaaro oo Xasan ha isoo weeraro hadduu markale isoo weerari karo.”

Siyaasiyiinta iyo shacabka qaar ayaa hadalladan u arkay kuwo muujinaya xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa, xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay socdaan dooddo ku saabsan doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *