Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu baabi’iyay & wararkii ugu dambeeyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa shaaciyay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tardo ee bariga gobolka Hiiraan lagu dilay ugu yaraan 25 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal sare.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay kadib markii la helay xog sirdoon oo muujineysay in xubnaha la beegsaday ay isku uruursanayeen deegaankaasi, islamarkaana ay wadeen abaabullo la xiriira falal amni darro iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.
Hay’addu waxay sheegtay in ciidamada ammaanka ay si taxaddar leh u fuliyeen howlgalka, iyadoo bartilmaameedku ahaa goob ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. NISA ayaa tilmaantay in dadka la dilay ay isugu jireen maleeshiyaad iyo horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in howlgalka lagu burburiyay xarumo iyo fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka Tardo, kuwaas oo loo adeegsaday qorsheynta weerarro iyo abaabulka dagaalyahannada.
NISA waxay xustay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallameyso Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ammaanka ay sii wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha Soomaaliya.










