LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Siyaasi Caan ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cali Xaaji Warsame oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka iyo Puntland inuu noqdo xubin cusub oo ka tirsan Guddiga Sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sida lagu shaaciyay wareegto rasmi ah.

Magacaabistan ayaa timid kaddib markii booskan uu bannaanaaday, iyadoo xubintii hore ee jagadan hayay, Faysal Cabdullaahi Warsame (Faysal Murcanyo), dhowaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dowlad Goboleedka Puntland.

Cali Xaaji Warsame ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato hagidda iyo kor u qaadidda howlaha Bankiga Dhexe, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda maaliyadeed, xasillinta nidaamka bangiyada, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Guddiga Sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waa hay’ad muhiim u ah dejinta istiraatiijiyadda iyo kormeerka howlaha bangiga, waxaana uu ka kooban yahay xubnaha soo socda:

  1. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe
  2. Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe
  3. Shan (5) xubnood oo kale oo aan fulin ahayn (Non-Executive Board Members)

Xubnaha aan fulinta ahayn ayaa door muhiim ah ku leh bixinta talooyin madax-bannaan iyo kormeerka go’aannada maamulka, si loo hubiyo hufnaan, isla xisaabtan iyo waafaqsanaanta siyaasadaha maaliyadeed ee dalka.

Magacaabista Cali Xaaji Warsame ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal xooggan ku bixinayso xoojinta hay’adaha maaliyadeed iyo dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, isbeddellada ka socda hoggaanka Bankiga Dhexe iyo bangiyada kale ee dalka ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu doonayo in lagu horumariyo kalsoonida nidaamka maaliyadeed, soo jiidashada maalgashiga, iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta Bankiga Dhexe iyo kor u qaadidda doorkiisa ku aaddan xasillinta dhaqaalaha dalka. Waxaa la filayaa in xubinta cusub ee la magacaabay ay kaalin muuqata ka qaadato hirgelinta himilooyinka dhaqaale ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *