Dowladda Soomaaliya oo dib u dhigtay doorashooyinka Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen kordhinta muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska musharaxiinta, iyo sidoo kale dib-u-cayimidda maalinta doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 27 Abriil 2026, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii guddigu qiimeyn ku sameeyay xaaladaha jira iyo codsiyo uga yimid ururrada siyaasadeed.
Guddigu wuxuu caddeeyay in:
- Muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska musharaxiinta oo markii hore ku ekayd 25 Abriil 2026, hadda loo kordhiyay 05 May 2026.
- Ururrada siyaasadeed ee aan wali soo gudbin liisaskooda lagu dhiirrigelinayo inay ka faa’iideystaan waqtiga dheeraadka ah.
- Maalinta doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Koonfur Galbeed, oo markii hore ku beegneyd 28 Abriil 2026, dib loogu dhigay 10 May 2026 (Maalin Axad).
Guddiga ayaa xusay in go’aankan uu yahay mid lagu xaqiijinayo hufnaan, daahfurnaan iyo in dhammaan dhinacyadu helaan fursad siman oo ay kaga qeyb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka.
Sidoo kale, guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadeed inay ilaaliyaan xeerarka iyo habraacyada doorashada, isla markaana si nabad ah uga qeyb qaataan howlaha doorashada.
Ugu dambeyn, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay kaalin firfircoon ka qaataan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo cadaalad ah, isla markaana laga wada qayb qaato horumarinta dimuqraadiyadda dalka.










