Madaxweyne Xasan Sheekh oo si KMG ah u joojiyay burburinta dhulalka Shacabka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay howlaha burburinta dhulalka iyo guryaha dadka rayidka ah ee ka socday magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin xooggan oo muddooyinkii dambe kasoo baxayay shacabka ku nool caasimadda.
Wareegto rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Muungaab), ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu fuliyay amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana lagu tixgeliyay cabashada iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen burburinta.
Qoraalka kasoo baxay maamulka gobolka ayaa lagu caddeeyay in si rasmi ah loo joojiyay fulinta iyo burburinta dhulalka ay degan yihiin dadka rayidka ah ilaa amar dambe, waxaana sidoo kale la faray Taliska Booliska Gobolka Banaadir inay dhaqan geliyaan go’aankaasi isla markaana ay ka hortagaan tallaabo kasta oo lidi ku ah amarka cusub.
Sidoo kale, maamulka gobolka ayaa magacaabay guddi ka kooban khubaro, sharci-yaqaanno iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah, kuwaas oo loo xil saaray inay daraaseeyaan cabashooyinka ka taagan arrimaha dhulka iyo burburinta, kadibna talooyin iyo soo jeedin rasmi ah u gudbiyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si go’aanno maamul looga gaaro xaaladda taagan.
Guddiga la magacaabay ayaa waxaa guddoomiye u ah Dr. Xasan Maxamed Cumar, halka xubnaha kale ay kala yihiin:
- Dr. Cabdishakuur Ibraahim Cabdi
- Injineer Maxamed Xasan Cumar
- Injineer Cumar Cali Geedi
- Sheekh Yuusuf Tuurxume
- Sheekh Aadan Macalin Abuukar
- Sheekh Suufi Yare
- Maxamuud Cabdul Baari
- Drs. Faadumo Maxamed Cali
Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Abuubakar ayaa loo magacaabay xoghayaha guddiga.
Go’aankan cusub ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada Muqdisho ka jireen cabashooyin xooggan oo ku aaddan burburinta lagu sameynayay xaafado ay deganaayeen shacabka, kuwaas oo qaarkood sheegay in dhulkooda Madaxda Dowladda ay ka iibsadeen Dad Ganacsato ah.









