LATEST NEWSLOCAL NEWSUncategorisedWARARKA

Maamulka Waqooyi Bari oo War kasoo saaray Dagaal Beeleed ka dhacay…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Dooxada Laashimo ee hoos taga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaddib dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inuu si weyn uga xun yahay dhibaatada ka dhalatay colaaddaasi, isaga oo tacsi u diray qoysaska iyo bulshada ay waxyeelladu saamaysay. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay labada dhinac inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda oo ay muujiyaan is-xakameyn si looga hortago in xaaladdu kasii darto.

“Waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriray Dooxada Laashimo ee degmada Ceerigaabo. Waan ka xumahay dhibaatada foosha xun ee dhacday, waxaana ka tacsiyadaynayaa beelaha walaalaha ah iyo dadka dhibaatadani saamaysay,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka.

Sidoo kale wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay dagaalka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, halka dhaawacyadana uu u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

“Intii ku nafweyday Ilaahay ayaan uga baryeynaa inuu u naxariisto, inta ku dhaawacantayna uu u booga dhayo. Waxaan labada beeloodba ugu baaqaynaa inay is xakameeyaan oo aanay dhibtu intaa dhaafin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Laashimo ayaa la sheegay inuu salka ku hayo xiisado soo jireen ah oo u dhexeeya labada beelood, waxaana dagaalkii u dambeeyay ku geeriyooday 23 Ruux.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *