Ra’iisul Wasaare Xamse oo farriin hanjabaad ah u diray Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Shacabka oo….

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay dhageysiga aragtiyada siyaasiyiinta mucaaradka ah, balse aan la aqbali karin wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyay xilli ay sii kordhayaan doodaha siyaasadeed iyo dhaliilaha loo jeedinayo dowladda, gaar ahaan arrimaha amniga, burburinta guryaha shacabka iyo xarigyada la xiriira dadka dowladda dhaliila.
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda aysan diidaneyn mucaaradnimada iyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed, balse ay muhiim tahay in la ilaaliyo amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.
“Nimanka Odayaasha ah hanjabaadooda waan arkay, siyaasiyiinta ay madax martay shahwada xukunka iyo dowlaha shisheeye lacagaha ku bixinayaan kama aqbaleyno khalqal gelinta amniga iyo xasilloonida dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan ilaalinta amniga iyo xoojinta dowladnimada, isaga oo si gaar ah ula hadlay shacabka ku nool magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in dadka reer Muqdisho ay yihiin canshuur bixiyeyaasha laf dhabarta u ah dowladda, sidaas darteedna aan loo horseedin xaalado dib u celin kara horumarka iyo amniga magaalada.
“Shacabka Muqdisho waa canshuur bixiyayaal, mana habboona in loo horseedo burbur iyo dib u dhac. Waa in la ilaashadaa amniga la helay,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka ay ku faaneyso guulo la xiriira sugidda amniga Muqdisho iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshee ay jiraan cabashooyin isa soo taraya oo ku saabsan burburinta guryaha shacabka iyo xarigyada loo geysto dadka dhaliila dowladda.









