LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiinta mucaaradka Muqdisho oo soo saaray go’aano hanjabaad la socoto ( Warsaxaafadeed )

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka May uu Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu noqonayo qof shacab ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in muddo xileedka dowladda uu dhammaanayo, isla markaana aan la helin hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay. Mucaaradku waxay ku eedeeyeen dowladda inay ku guuldareysatay qabashada doorashooyin loo dhan yahay iyo in ay gaarto is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.

Sidoo kale, mucaaradku waxay ku dhawaaqeen qorsheyaal ay ku billaabayaan “iska caabin nabad ah”, abaabul dadweyne iyo wadatashi qaran, si looga hortago waxa ay ku tilmaameen “firaaq dastuuriga ah” ee dalka ka dhalan karta.

Waxay sheegeen in ujeedkoodu yahay in la helo dowlad sharciyad leh oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu badbaadinayo nidaamka dowladeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *