Dowladda oo qabatay banaanbax looga soo horjeedo mucaaradka iyo hadal-heyn ka dhalatay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbax ay abaabushay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu taageerayay Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana lagu cambaareynayay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda dhaliila.
Bannaanbaxan ayaa yimid maalin kaddib markii dowladda lagu eedeeyay inay hor istaagtay bannaanbax mucaaradku qorsheynayeen inay ku qabtaan magaalada Muqdisho, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn siyaasadeed iyo eedeymo ku saabsan caburinta xorriyadda mudaharaadka.
Dadka bannaanbaxayay maanta ayaa isugu tegay agagaarka guriga uu ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ku yaalla Isgoyska Mirinaayo, halkaas oo ay dowladda geysay dad la sheegay inay kamid yihiin shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir iyo taageerayaal kale oo dowladda taageersan.
Bannaanbaxayaasha ayaa watay boorar iyo hal-ku-dhegyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo sidoo kale weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka. Qaar kamid ah boorarka ay siteen dadka bannaanbaxayay ayaa waxaa ku qornaa “Dooni meyno shisheeye kalkaal” iyo erayo kale oo ka dhan ah mucaaradka.
Dadka mudaharaadayay ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyaga oo dalbanayay inuu ka guuro deegaanka Mirinaayo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay mucaaradku lahaayeen.









